Arrin cajiib ah: Ciidamo gacanta ku dhigay nin keydsanaayay Meydadka 9Ruux & Madaxyo dhowr ah

Arrin cajiib ah: Ciidamo gacanta ku dhigay nin keydsanaayay Meydadka 9Ruux & Madaxyo dhowr ah

daajis.com:-Ciidamada amaanka dalka Japan ayaa gacanta ku dhigay qaboojiye lagu keydinaayay meydadka Sagaal ruux iyo Madaxyada dhowr iyo toban qof oo aan la ogeyn waxa ay yihiin.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninkaan lagu magacaabi jiray Takahiro Shiraishi oo 27 Jir ah ka ganacsan jiray jirka bani’aadamnka.

Booliska ayaa arrintaan foosha xun ku ogaaday howlgal ballaaran oo ay ka sameeyen dhismo ku yaalla Deegaanka Zama ee Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tokyo.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Mr Takahiro Shiraishi uu qirtay inuu isagu dilay maydadka laga helay gurigiisa.

Waxa uu Takahiro Shiraishi sheegay in dadkaasi uu ku dhex jarjaray suuliga dhexdiisa, waxa ayna kala ahaayeen Sideed haween iyo hal nin.
Sidoo kale, Takahiro Shiraishi ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad si looga jaro falka uu ku kacay ee dhibta u geysatay qoysas badan oo dadkooda ku waayay.

Dhinaca kale, Booliska ayaa sheegay in sawirada meydadka ay la wadaagi doonaan warbaahinta si cadeymo ay ugu noqoto waxyaabaha ka taagan Japan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada