Weerar dad lagu laayay oo ka dhacay magaalada New York (Warbixin)

Weerar dad lagu laayay oo ka dhacay magaalada New York (Warbixin)

daajis.com:- Inta la ogyahay sideed qof ayaa ku dhintay magaalada New York 11 kalena dhaawac halisa ayaa gaadhay ka dib markii nin baabuur nooca xamuulka ah wadaa uu dad ku jiidhay haadka ay maraan dadka baaskiillada wataa wado ku taala xaafadda Lower Manhattan.

Ninka baabuurka waday oo 29 jir ah ayaa markii uu dadka jiidhay ka dhaadhacay baaburka waxaana toogasho ku dhaawacay askari boolis ah oo waa la xidhay, waxaanay saraakiishu sheegeen in uu ahaa weerar argagixiso.

Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii.

Xog uu helay telefishanka CBS ayaa tibaaxday in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay lala xidhiidhiyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday.
Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa yidhi “wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan”.

Waxaanu intaa ku daray oo yidhi “waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal colaadeed oo looga dan leeyahay in lanagu cabsi geliyo u liici mayno”

Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray waxa uu ku yidhi ” waxaan tacsi iyo duco ba u dirayaa dadka ku waxyeelloobay iyo qoysaska dadkoodii ku waayey falka argagixiso ee ka dhacay magaalada New York. Alle iyo dalkiinuba way idinla jiraan”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada