VIDEO: Atariisho caan ah isku durtay bekteeriyo 3.5 sanno jir ah si ay ugu muuqato gabar dhallinyaro ah (Hadda sidee ayey u taallaa?)

VIDEO: Atariisho caan ah isku durtay bekteeriyo 3.5 sanno jir ah si ay ugu muuqato gabar dhallinyaro ah (Hadda sidee ayey u taallaa?)

daajis.com:- Atariisho 45 sanno jir ah oo kasoo jeeda dalka Jarmalka, ayaa waxay isku durtay bakteeriyada loo yaqaanno Bacillus F taasoo la sheegay inay jirto 3.5 milyan oo sanno marka lagu jaangooyo halbeegga sannadka bekteeriyada,

Atariishadaan waxaa lagu magacaabaa Manoush, waxayna isugu durtay bakteeriyada Bacillus F si aysan dhallintu uga muuqan.

Manoush waxaa ay ku caan tahay magaca Human Lab Rat waxayna noqotay shaqsigii ugu horreerey adduunkaan ee ku dhiiraday inuu isku duro bekteeriyada Bacillus F, taasoo ka caawineysa in aysan gabi ahaanba dhallintu ka muuqan jirkeeda. Gabadhaan ayaa seddaxdii bilood ee lasoo dhaafay isku dureysay bekteeriyadaan waxayna daaha ka qaaday inay haatan u muuqato sida shaqsi dhallinyaro ah.

Baareyaal u dhashay dalkak Russia ayaa sannadkii 2009kii soo helay bekteeriyadaan, waxayna daaha ka qaadeen inay jirto 3.5 milyan oo sanno. Manoush ayaana dhiiggeeda ku durtay, iyadoo kaashaneysa Dr. Anatoli Brouchkov oo ka shaqeeya jaamacadda Moscow State University, dhigana kuliyadda Geocryology Department.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada