Arday U Dhashay Dalka India Oo Sameeyey Kobo Dumarka Ka Caawin Kara Inaan La Kufsan (Daawo Sawirro)

Arday U Dhashay Dalka India Oo Sameeyey Kobo Dumarka Ka Caawin Kara Inaan La Kufsan (Daawo Sawirro)

daajis.com:- Marka la joogo dalka India, kufsiga ayaa maaro loo waayey, waana ay adag tahay in warbaahinta Hindiya aysan maalin kasta ka sheekeyn kiis kufsi ah oo fool xun oo dalkooda ka dhacay.

Dowladda India ayaa maaro u weysay kiisaska galmada, sidoo kalena gabdhaha ayaa mustaqbalkooda maalin walba lagu ciyaaraa. Wiil 18 sanno jir ah ayaana haatan go’aansaday inuu caawiyo dumarka dalkiisa India, isagoo u sameeyey kobo Electronic ah ama koronto ku shaqeeya kuwaasoo uu sheegay inay si weyn u caawin doonaan.

Siddharth Mandala oo ah arday kasoo jeeda Telengana, India ayaa wuxuu sameeyey kobahaan oo uu ugu magac daray ElectroShoe kuwaasoo uu sheegay inay yihiin nuuc loo naqshadeeyey inay dumarka ka caawiyaan inaan la kufsan (Anti-rape assault footwear).

Kobahaan ayaa waxaa ku xiray beteri, sidoo kalena waxay leeyihiin gambaleel cod dheer oo boliiska ugu yeeraya goobta markaas gabdha lagu weeraray. Waxaana intaas usii dheer inay gabadha ka caawinayaan inay si xowli ah uga cararto ragga markaas doonaya inay kufsadaan.



Kobahaan ElectroShoe ayaana dhowaan suuqa lasoo dhigi doonaa, wiilkaan sameeyey ayaana daaha ka qaaday in uusan marnaba ka quusan inuu sameeyo kobahaan inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu ku dhowaad 20 jeer ku guuldarreystay isku daygiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada