Qatar oo ku dhawaaqay in ay ka qeyb galeyso Dagaalka uu Iclaamiyay Farmaajo

Qatar oo ku dhawaaqay in ay ka qeyb galeyso Dagaalka uu Iclaamiyay Farmaajo

daajis.com:- Wakaalada wararka Qaranka ee dalka Qatar “Qana” ayaa baahisay in Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Cabdullahi Bin Nasir Aala Thani uu kulan kula qaatay Magaalada Doxa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow oo booqanaya wadankaasi.

Wakaalada ayaa shaaca ka qaaday in labada masuul ay isla qaateen xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu u baahan yahay in gacan weyn laga siiyo dhinacyada amaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Inkastoo labada masuul ay diirada saaren qadiyo dhowr ah oo dhinaca gobolka iyo mid caalami ah hadana si xoogan ayay uga doodeen qaabka loo wajahayao amniga iyo xasilooni kusoo dabaalida Soomaaliya.

Saraakiil diiday in magacooda warbaahinta loo adeegsado kuna dhawaa wada hadalada ay qaaten Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar iyo Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Qatar ay muujisay sida ay diyaar ugu tahay in Soomaaliya ay ka caawiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa wadamada saaxiibada la ah waxa ay ka raadinayaan taagero caalami ah oo lagu gacan siiyo dhinac dhaqaale ama saanadba howlgal bartimihii bishii October uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada