Daawo: Khudbad Rw. Khayre u jeediyey Dhalinyarada Soomaliyeed ee Waqooyi iyo Koonfur oo Shir isugu yimid

Daawo: Khudbad Rw. Khayre u jeediyey Dhalinyarada Soomaliyeed ee Waqooyi iyo Koonfur oo Shir isugu yimid

daajis.com:- Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Shir uga Furmay Dhalinyarada Soomaaliyeed oo isaga yimid Guud ahaanba Gobolada dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, waxaana Furitaanka Shirkan kasoo qayb galay R/wasaare Khayre, Xildhibaano, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dhalinyarada oo safarkeedii ugu horeeyey ku timid Soomaaliya iyo qaar kamid ah danjireyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya.


R/wasaare Khayre ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa wuxuu u jeediyey Dhalinyarada Soomaaliyeed, Isagoo sheegay inay isaga yimaadeen Raaskambooni Ilaa iyo Lowyo-caddo inta u dhaxaysa, wuxuuna xusay  in maanta laga tagay Qabyaalad iyo Qarandumisnimo. “waa laga gudbay waqtigii qabiilka iyo qaran dumiska “ Ayuu yidhi.

“Shaki iigama jiro in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dheer hal-abuur iyo wadaniyadda, sidaas darted waa inaad ka fekertaan wax idinka weyn, waa inaad hiigsataan sidii boqolka sano ee soo socda dhibka looga ilaalin lahaa dalka. Qof walba oo Soomaali ah maanta rajada uu leeyahay waa idinka”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Cali Khayre oo tilmaamay dalku inuu marayo waqtigii ugu rajada wanaagsanaayeen dhalinyaradana laga doonayo fursadahaa inay ka faa’iideystaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada