Madoobe iyo Roobow oo ka wada hadlay tallaabooyin dhibaato ku noqon doono Shabaab

Madoobe iyo Roobow oo ka wada hadlay tallaabooyin dhibaato ku noqon doono Shabaab

daajis.com:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo shalay galab gaaray magaalada Kismaayo

Kulankan ayaa ka dhacay Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo uu Axmed Madoobe ku soo dhoweeyay saaxibkiis hore Mukhtaar Roobow.

Kulankaan ay wada qaateen Axmed Madoobe iyo Muqatar rooboow oo ahaa mid aan horay loosii shaacin ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu horay Maamulka Jubbaland u qorsheeyay.

Muqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo ahaa Saaxiibo hore ayaa isla gorfeeyay qaabka loo wajihi karo dagaalka Al-Shabaab iyo fursadaha loo heysto waqtigaan.



Mukhtar Roobow ayaa u bandhigay Axmed Madoobe qorshayaal ku saabsan qaabka loo wajihi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida xilligan looga faa’ideysan karo fursadaha la heysto.

Waxaa lagu wadaa in maanta uu kormeero ku tago meelo ka mid ah magaalada Kismaayo, gaar ahaan xeryaha ciidamada, waxaana lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

Muqtaar Roobow ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay isaga oo marti u ahaa Madaxweyne Shariif Xasan waxa uuna kormeeray Xerooyin ciidan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada