Muuqaal: Prof. Cali Maxamed Geedi oo Luuqad adag ugu Jawaabay C.raxmaan C.shakuur iyo Mucaaridka DF Somalia

Muuqaal: Prof. Cali Maxamed Geedi oo Luuqad adag ugu Jawaabay C.raxmaan C.shakuur iyo Mucaaridka DF Somalia

daajis.com:-Ra’iisul Wasaarihii Hore ee  Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa farriin qaran u diray shacabka Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay dowladnimada ilaashadaan.


Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa caddeeyay inuu ka xunyahay qodxaha iyo jilaafooyinka loo dhigayo dowladnimada curdanka ah isaga oo kula dardaarmay in dowladda dhaliil wax dhiseysa loo jeediyo oo aan mucaarado iyo
fowdo dalka laga kicin.

Prof. Geeddi ayaa ka hadlay warkii kasoo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in dad marti ku ah magaaladan ay jiraan, wuxuuna ku tilmaamay hadalkaas mid gef ku ah shacabka  Soomaaliyeed ee ah hal qoys.

Waxa uu adkeeyay in qof dalkan inuu hoggaamiye ku haminayo uu ku hadlo hadallada sidan u hooseeya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ka dhawaajiyay guulaha ay Xukuumaddu ku tallaabsatay iyo sida beesha caalamka ay dadaal ugu bixineyso in ay Soomaaliya soo kabato, isaga oo tusaale usoo qaatay horumarka dhanka maamulka maaliyadda iyo xiriirka ay dowladda la leedahay Bankiga Adduunka iyo IMF-ta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada