Akhriso: La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo oo la magacaabay

Akhriso: La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo oo la magacaabay

daajis.com:- Cabdi Saciid Muse Cali oo ah Aqoonyahan ayaa loo magacaabay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Waxaana markii ay soo shaac baxday magacaabidiisa ku shaaciyay bartiisa Twitterka Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo kulan la qaatay.

Xiriir aan la sameynay ayuu inoogu xaqiijiyay Mr CabdiSaciid in xilkan loo magacaabay, waxaa ahaa La Taliyaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay IGAD iyo meelo kale.

Cabdi Saciid ayaa dowladdii TFG-da ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004, waxaa uu ahaa La taliye dhinaca farsamada, waxaa uu sidoo kale dowladda uu isku xire uu ka ahaa hey’ado badan oo caalami ah.
Mr CabdiSaciid ayaa ku dhashay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa uu ku hadlaa luqadaha English, Talyaaniga, Jarmalka, iyo Dutch.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada