Sawirro: Guushii Soomaliya iyo Xarunta Maamulka Hawada sida loo Daah-Furay

Sawirro: Guushii Soomaliya iyo Xarunta Maamulka Hawada sida loo Daah-Furay

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo markii u horeysay muddo 27 sano kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada ayaa Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat.

Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.

Waxaa Munaasabadda ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada