Turkiga oo Ciidamo badan u diray Qadar

Turkiga oo Ciidamo badan u diray Qadar

daajis.com:- Dowladda Turkiga ayaa kumanaan Askari u dirtay Dalka Qadar,halkaas oo ay ku leeyihiin Saldhig Ciidan,kaas oo ay furteen Sanadkii 2015kii.

Wasaaradda Difaaca Qadar ayaa sheegtay in Dowladda Turkiga Ciidamo ka socda tageen Saldhigga Ciidanka Cirka ee Al-Cubeyd oo Dooxa ku yaalla.

Wasaaraddu ma sheegin sababta ciidanka cusub u tageen Dalka Qadar,sidoo kale dhinaca Turkiga kama hadlin arrinkan,waxaana la hadalhayaa in Ciidamadan ay dhoolatus wadajir ah la sameyn doonaan kuwa Qadar.

Dowladda Turkiga ayaa bartamihii Sanadkan Ciidamo dheeraad ah geysay Qadar kaddib markii Waddamada Khaliijka ay go’doomiyeen Dowladaha kula jira Ururka iskaashiga Khaliijka Carabta.
Saldhigga Ciidamadan ay tageen waxaa uu qaadaa 5,000 oo Askari,waxaana la rumeysanyahay in dowladda Turkiga oo xulafo dhow la ah Qadar ay ka taageereyso dhinaca difaaca xitaa haddii Waddamadan Carabta ay weeraraan Qadar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada