Daawo Video: Khudbadii Madaxwayne Farmaajo ee Gaalkacyo iyo Arin Farxad Badan oo Shacabka uu la Wadaagay

Daawo Video: Khudbadii Madaxwayne Farmaajo ee Gaalkacyo iyo Arin Farxad Badan oo Shacabka uu la Wadaagay

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Balaadhan loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxwaynaha Puntland.


Soo dhoweynta ballaadhan ee loogu sameeyay Madaxweyne Farmaajo magaalada Gaalkacyo ayaa la mid aheyd soo dhoweyntii loogu sameeyay Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, halkaasoo kumanaan dadweyne ay waddooyinka iyo fagarayaasha isugu soo baxeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka Gaalkacyo u jeediyey Khudbad Qiimo badan, Wuxuuna ku dheeraaday Muhiimada ay Gaalkacyo oo Nabad ah u leedahay guud ahaan Soomaaliya, Wuxuuna halkaasi ka sheegay Arin Farxad gelisay Bulshada isagoo sheegay inay midayn doonaan Gaalkacyo. 

Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel huwan astaanta Calanka Qaranka (Hashii Maandeeq), waxaana ay jawaab u aheyd hadiyadihii dhaqan ee lagu guddoonsiiyay Qardho iyo Boosaaso, kaasoo ka mid aheyd Faras.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada