Somaliland oo raadineysa fure isgaarsiineed oo ka duwan 252 (Maxay Kula Tahya Adiga)

Somaliland oo raadineysa fure isgaarsiineed oo ka duwan 252 (Maxay Kula Tahya Adiga)

daajis.com:- Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta C/Wali C/llahi Suufi ayaa sheegay in kaddib xilka cusub ee loo magacaabay uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu raadinayo furaha Boostada iyo midka Simcard-ka,sida uu sheegay waxaana uu intaas ku daray in shaqada uu wasaaraddiisa qabanayo ay noqoneyso in uu Maamulka Somaliland u helo furo Taleefan oo madaxbanaan.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in qorshahiisa ugu weyn yahay in Somaliland aysan waxba la wadaain Soomaaliya dhinaca isgaarsiinta.
Waxaa uu ka hadlayay kulankii shalay Golaha wakiillada SOmaliland ay codka kalsoonida ku siinayeen qaar ka mid ah Wasiirrada uu magacaabay Muuse Biixi Cabdi oo uu isaga ka mid ahaa.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada