DEG DEG: Pierre-Emerick Aubameyang oo si rasmi ah ugu biiray Arsenal.

DEG DEG: Pierre-Emerick Aubameyang oo si rasmi ah ugu biiray Arsenal.

daajis.com:- Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay iney dhameystirtay saxiixa laacibka ay dhawaanahan ku raad joogeen ee Pierre-Emerick Aubameyang.



Heshiiska ay Arsenal kula wareegtay Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wuxuu ku kacay 63.75 milyan oo euros, agaasimaha ciyaaraha kooxda BVB ayaana bayaan ay kooxdiisu soo saartay ku xaqiijiyey inuu Aubameyang  ku biiray Gunners.



Kooxda Jarmalka ka dhisan ayaa u mahadcelisay Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo ay sheegeen inuu shaqo wanaagsan u qabtay una dhaliyey goolal muhiim ah, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii Dortmund ee hanatay DFB Cup sannadkii 2017kii.


Dhanka kale, Arsenal ayaa iyana xaqiijisay inay lasoo wareegtay Pierre-Emerick Aubameyang heshiis rikoor ah, iyadoo sheegtay inay ka saxiixatay qandaraas muddo dheer ah, waxaana intaas lagu daray in dhowaan la xaqiijin doono lambarka uu kooxda u xiran doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada