Faransiiska oo digniin culus u kala diray Seddex dowladood oo colaad hurinaaya

Faransiiska oo digniin culus u kala diray Seddex dowladood oo colaad hurinaaya

daajis.com:- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa uga digay wadamada Maraykanka, Israel iyo Sacuudi Carabiya inay ka fiirsadaan hadalada colaada kicin kara ee ku aadan xaalada kacsan ee Iran, isaga oo ugu baaqay in ay joojiyaan ereyadooda, nacaybka taas oo uu sheegay, inay horseedi karto “dagaal”.

“Dhaqanka  ay wadaan Maraykanka, Israel iyo Sacuudi Carabiya, kuwaas oo aan xiriir dhow la leenahay ayaa waxay nagu horseedi karaan dagaal,”ayuu u sheegay saxaafada Emmanuel Macron Arbacadii.

Madaxweynihii Faransiiska ayaa ka digay in dalalka qaarkood, siyaasada colaadeed ay tahay mid “istaraatiijiyad toos ah.”

Macron ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sii wado “xiriir joogto ah” oo lala yeesho Iran iyada oo la raadinayo wadiiqo “lagu kordhin karo cadaadiska caalamiga ah” ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Macron ayaa sidoo kale ka digay in Mareykanka iyo xulafadiisu ay halis ugu jiraan in ay ku lug yeeshaan “khilaafka ba’an ee xad-dhaafka ah” iyaga oo u adeegsanaya  siyaasadahooda colaada ee ka dhanka ah Iran.
Toddobaadkii hore, tiro dibad-baxyo nabad ah ayaa ka bilowday meelo badan oo dalka Iran, iyada oo ay ka qaybgalayaashu ugu baaqayaan mas’uuliyiinta in ay wax ka qabtaan arrimaha dhaqaalaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada