Mareykanka oo qaaday xayiraaddii socdaalka Waddamo ay ka mid tahay Somaliya

Mareykanka oo qaaday xayiraaddii socdaalka Waddamo ay ka mid tahay Somaliya

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa xayiraadda dhinaca socdaalka ah ka qaadday 11 dal oo Madwxeynaha Mareykanka Donald Trump uu dadkooda ka mamnuucay in ay galaan Dalka Mareykanka.

Wasaaradda amniga Gudaha Mareykanka ayaa sheegtay in xayiraadda la qaaday laakiin dadka 11kaasi dal ay wajahayaan baaritaan adag ka hor inta aysan gudaha u gelin Mareykanka.

11; Dal ee wareegtada Madaxweyne Donald Trump ka joojisay in dadkooda ay galaan Mareykanka ayaa kala ah Masar,Iran, Iraq, Libya, Mali, North Korea, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria iyo Yemen,kuwaas oo hadda la oggolaaday in ay geli karaan Mareykanka.

Sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha Mareykanka tan iyo markii Mareykanka uu xayiraadda socdaalka ku soo rogay 11ka dal ee Muslimiinta u badan waxaa aad hoos ugu dhacay dadka ka soo jeeda dalalkaas ee geleyay Mareykanka.

Wasiirka amniga gudaha Mareykanka Kirstjen Nielsen,ayaa sheegtay in 11ka dal loo bixiyay kuwa qatarta ah dadkoodana ay dib u billabi karaan gelidda Mareykanka,waxaase ay marayaan baaritaan aad u adag.

Markii ay ku dhawaaqeysay go’aankan ka laabashada xayiraadda socdaalka waxaa ay sheegtay in ujeedada laga lahaa ay ahayd in Mareykanka laga ilaaliyo argagixisada,dambiyada iyo qiyaanada.

Saddexdii Sano ee la soo dhaafay dadka ka socda 11kan dal ee galayay Mareykanka ayaa gaarayay 40% marka loo eego xayiraaddii Trump ee Sanadkii hore taas oo hoos u dhigtay dadka ka socda dalalkaas ee geleyay Mareykanka.

Tan iyo 25kii October 2017, 46 Qof oo ka soo jeeda 11kaas dal ayaa galay Mareykanka,waana muddo 90 maalmood ah,taas oo aad uga hooseysa qaabilaadda qaxootiga ka socda waddamada kale ee galayay Mareykanka marka loo bar badhigo muddooyinka la midka ahaa ee ka horreeyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada