Midowga Afrika oo Donald Trump ka dalbaday in uu ka laabto gaf uu u geystay

Midowga Afrika oo Donald Trump ka dalbaday in uu ka laabto gaf uu u geystay

daajis.com:- Midowga Afrika ayaa si weyn uga carooday hadalkii gafka ahaa ee dhawaan uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump , hadalkan ayaana ka careesiiyay dadyow badan oo daafaha Dunida kunool.

War Saxaafadeed si adag loo qoray oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu muujiyay sida uu Midowgu uga soo horjeedo hadalka sharaf dilka ah ee kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka.

Wakiilada Midowga Afrika ee ku sugan caasimada Washington, ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin, ugana careysan yihin hadalkii  Trump, taasi oo ay ku sheegeen inay xaqiijineyso in maamulka Mareykanka uu si qalad ah u fahmay qaarada Afrika.

Dalka Botoswana oo kuyaala Koonfurta Qaarada Afrika ayaa noqday dalkii ugu horeeyay oo muujiyay carada hadalkii kasoo yeeray Donlad Trump, waxa ayna u yeertay dowladaasi safiirkii Mareykanka u joogay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka shan qariyay hadalo ay adag tahay in af Soomaali lagu turjumo ayna ka muuqato cunsuriyad iyo meel ka dhac meeshii ugu xumeyd uu u geesanayo dadka soo galootiga ah.
“Maxaan ku dooneynaa in aan dalkeena u keeno dalalkaas ka soo baxay xaga danbe” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Mareykanka xili uu ka qeyb galayay shir looga hadlayay qaxooti kaga soo qaatay dalal Afrikaan ah iyo dalka Haiti.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada