MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo iyo Waxa kala qabsaday golaha Wasiirada P.land iyo Shirkii dhexmaray

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo iyo Waxa kala qabsaday golaha Wasiirada P.land iyo Shirkii dhexmaray

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa guddoomiyey shir ay magaalada Garowe ku yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirrada maamul Goboleedka Puntland, Waxaana Shirkan ka qeyb galay Madaxda Puntland iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.


Qodobada shirkan lagaga hadlay ayaa waxaa ka mid ah xoojinta amniga,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta wada shaqeynta Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowlada Goboleedyada Dalka iyo horumarinta adegyada bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixino ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda ee Puntland ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Sidoo Kale, Madaxweynaha waxaa uu u shegay masuuliyiinti ka qeyb galaayey shirka in ay qaataan masuuliyadda ka saran dib u soo celinta midnimada iyo wada jirka Soomaaliya, lana yeesho wada shaqeyn dhab ah maadaama masuul kasta uu xil weyn ka saaran yahay samata bixinta shacabka Soomaaliyeed iyo in loo abuuro mustaqbal ka tarjumaya himilada iyo hanka shacabka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada