Cajiib: 19-jir ka Hanti badan Ronaldo iyo Messi oo Kubadda Cagta Lagu dhex Arkay.

Cajiib: 19-jir ka Hanti badan Ronaldo iyo Messi oo Kubadda Cagta Lagu dhex Arkay.

daajis.com:- Badanaa dadka ku nool adduunka ayaa lasocda in ay jiraan xiddigo ciyaara kubadda cagta kuwaas oo Taajiriin ah, Sida Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, Lakiin hada waxa soo baxay ciyaaryahan ka Hanti badan oo lagu dhex arkay Kubadda Cagta Caalamka.

Qiimeyntii la sameeyay Sanadkii lasoo, Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta koowaad kasoo istaagay kaasoo heysta 250 milyan oo ginni, halka Lionel Messi hantidiisa lagu qiyaasay 230 milyan oo ginni kaalinta labaad ayuuna ka galay.

Zlatan Ibrahimovic oo heysta 110 milyan oo ginni ayaa seddaxaad galay, Wayne Rooney hantidiisa waxaa lagu sheegay 93 milyan oo ginni, Eden Hazard oo kaalinta shanaad galayna 77 milyan oo ginni.

Kaalinta 6aad illaa 10aad waxaa ku kala dhammeystay Gareth Bale (£56 milyan), Neymar (£49 milyan), Yaya Toure (£43 milyan), Sergio Aguero (£40 milyan), John Terry (£39 milyan).

Laakiin haatan kubadda cagta waxaa kasoo baxay xiddig ka lacag badan Ronaldo iyo Messi wuxuuna ka ciyaaraa horyaalka England Premier League waana 19 sanno jir heysta 20 bilyan oo dollar.
Tani waa sheeko dhab ah. Sida laga soo xigtay majaladda Daily Mirror, ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Leicester City Faiq Bolkiah ayaa ah ninka ugu taajirsan kubadda cagta, waxaana adeer u ah Sultan of Brunei Hassanal Bolkiah.

Faiq waa ciyaaryahan garabka ka ciyaara oo wacdaro ka dhigaya England, wuxuuna soo maray kooxda AFC Newbury, ka hor inta uusan waqti kusoo qaadan Southampton, Arsenal iyo Chelsea. Haddana juunyarta Leicester ayuu u ciyaaraa. Noloshiisa dhabta ahna wuxuu marwalba uga hadlaa sawirrada uu soo dhigo Instagram-ka.

Aabaha dhalay Faiq oo lagu magacaabo Jefri Bolkiah ayaa bishii oo keliya 35 milyan oo ginni ku qarash gareeya gawaarida raaxada, saacado iyo dheemanka cad. Gawaarida uu ku socdana waxaa ka mid ah Ferraris, Rolls-Royces iyo Bentleys.

Inkasta oo qooyska Faiq ay yahiin tujaar,Hadana da’yarkaan yaa jecel inuu ka dhabeeyo riyadiisa ah inu noqda Laacib Kubadda Cagta magac ka sameeyo.

W/D: Abdullahi Hussein

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada