Daawo: Mareykanka oo Somalia ku wareejiyay gaadiid casri ah oo aanu xabada karin

Daawo: Mareykanka oo Somalia ku wareejiyay gaadiid casri ah oo aanu xabada karin

daajis.com:- Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka ayaa dowlada Somalia ku wareejisay Gaadiid nooca aanu xabada Karin.

Waaxda ayaa gaadiidkaasi oo Lix ah ku wareejisay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana ku wareejiyay Saraakiil ka socta dowlada Mareykanka.

Gaadiidkan oo aanu xabadu Karin ayaa waxaa loogu talo galay Wasaarada Difaaca Somalia, waxaana si rasmi ah ula wareegay Wasiirka.

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu talagashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada  ay u hayso Wasaaradda.
Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa dowlada Mareykanka uga mahadceliyay sida ay u garab taagantahay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,oo dagaal kula jira ururka Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada