Waddamada go’doomiyay Qadar oo cambaareeyay Qaramada Midoobey

Waddamada go’doomiyay Qadar oo cambaareeyay Qaramada Midoobey

daajis.com:- Warbixin wadajir ah oo ay soo saareen Afarta dalka ee Sanadkii hore go’doomiyay dalka Qadar ayaa cambaareyn kala duldhacay Qaramada Midoobey kaddib markii warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ku sheegtay in Qadar lagu hayo ficillo ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah.

Guddi ka socda Qaramada Midoobey ayaa 24kii Novermber ee sanadkii la sooo dhaafay waxaa ay booqdeen Dooxa iyaga oo la kulmay Madaxda iyo Hay’adaha xuquuqda aadanaha Dalka Qadar.

Waddamada Baxreyn,Masar,Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobey in ay la safatay dal ka mid ah Caalamka oo dhibaato iyo faragelin ku haya madaxbanaanida dalalka kale.

Waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in iyaga aysan la dagaashaneyn dadka u dhashay dalka Qadar hayeeshee nidaamka ka jira Qadar uu yahay mid qatar ku ah amnigooda.

Waxaa ay sheegeen in shacabka Dalka Qadar iyo shacabkooda ay yihiin walaalo,isku qabiil iyo isku umad sidaas darteedna ay Qaramada Midoobey tahay in ay qirto oggolaanshaha difaaca madaxbanaanida dad kasta.
Waddamada isbaheysiga Carabta aya aQadar ku eedeeyay taageeridda argagixisada Caalamka,faragelinta arrimaha waddamada kale ee deriska la ah iyo baahinta xagjirnimada Caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada