Ciidanka NISA oo dhallinyaro badan ka xir xiray Degmada Hodon (Sawirro).

Ciidanka NISA oo dhallinyaro badan ka xir xiray Degmada Hodon (Sawirro).

daajis.com:- Xalay gelinkii dambe Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon,halkaas oo ay ka xir xireen dhallinyaro aad u badan.

Ciidamada ayaa guri guri u galayay xaafadda Taleex,iyaga oo howlgalka kaddib dhallinyaro badan isugu  geeyay goob fagaare ah,halkaas oo ay kula hadleen Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada Hodon.

Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa dhallinyarada u sheegay in uusan jirin qof la saarayo dambi uusan gelin,islamarkaana kaliya Ciidamada ay baaritaan qof qof ah ku sameynayaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in howlgalka uusan ku ekeyn degmada Hodon iyo Xaafadda Taleex ee guud ahaan laga sameynayo dhamaan degmooyinka Magaalada Muqdisho.


Dhallinyarada faraha badan ee xalay Hurdada laga kiciyay ayaa la yaabbanaa howlgalka guryaha loogu galay iyaga oo sheegay in ay ka xunyihiin sida ay wax u dhaceen.
Ciidamada ayaa xilliga ay gelayaan guryaha u sheegayay dadka in uusan dhib jirin islamarkaana dhallinyarada kaliya baaritaan lagu sameeynayo ciddii aan dambi lahayna la fasaxayo.

Ciidanku waxaa ay sidoo kale baarayeen guryaha iyaga oo si gaar ah Armaajooyinka iyo Boorsooyinka dharka fatashaad ku sameeynayay,saraakiisha amaanka ayaana sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay in ay xaqiijiyaan amniga Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada