Qaramada Midoobe oo Carabta ugu Baaqday Dhaqaale siinta Qaxootiga Wadamada Carabta.

Qaramada Midoobe oo Carabta ugu Baaqday Dhaqaale siinta Qaxootiga Wadamada Carabta.

daajis.com:- Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada Qaramada Midoobe ayaa wadamada Carabta ugu baaqay in Dhaqaale ay siiyaan Qaxootiga kasoo jeeda Wadamada Carabta.

Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Bulshada ee loosoo gaabiyo (ECOSOC) ayaa wadamada Carabta ka dalbatay in ay gurmad u sameeyaan dadka carabta ah ee ka barakacaya dalalkooda, dhaqaalane ay ku taageeraan wadamada magan-gelinaya.

Kulan ay ku yeesheen ayey ku dalbadeen in dadka qaxootiga ah laga caawiyo dib ugu celinta dalalkooda, kafaalo-qaadka Noloshooda iyo hormarinta adeegyada bulsheed oo ay u baahan yihiin.

Wadamada hay’addu ay soo hadal qaaday ayaa kala ah:- Siiriya, Soomaaliya, Yemen iyo Liibiya, dhamaan dadkaasi waxa ay sheegtay hay’addu in ay yihiin gurmad sugayaal.

Warbixinta hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Bulshada ee (ECOSOC) ayaa lagu sheegay in qorshe dhaqaaleed laga rabo wadamada Carabta ee dhaqaalaha heysta.
Qorshahaasi ayey sheegeen in uu ku eg yahay sanadka soo socda 2019-ka in guud ahaan ay hubaan in gurmad sugayaasha ay helaan waxyaabaha ay Sugayaan.

Golaha ayaa soo dhaweeyay codsigii Lubnaan ee ahaa in uu marti-galiyo Shir madaxeedka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada Fadhigiisa afaraad ee la Lubnaan dalbatay in ay marti geliso sanadka 2019.

Agaasimaha Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda ee Wasaaradda Horumarinta Bulshada Urdun Dr. Axmed Abuu Haydar ayaa soo jeediyey shir ay isugu yimaadaan Wadamada Carabta si ay isla meel dhigaan Arrintaan.

Waxa uu qorshu yahay in la raadiyo Siyaasad Dowladda Sudan looga cafinayo Deemo lacageed oo dibadda looga leeyahay.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada