Xuska 8-da Febraayo ee Doorashadii Farmaajo iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho

Xuska 8-da Febraayo ee Doorashadii Farmaajo iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:- Magaalada Muqdisho ayaa maanta u dabaaldageysa sanadguuradii koowaad ee markii sida lama filaanka ah xilka loogu doortay Madaxweynaha xilka haya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xuska maalintan ayaa loo bedelay adeeg caafimaad oo loo fidinayo dadka danyarta ah, iyadoo teendhooyin lagu xarashay boorar uu ku sawiran yahay madaxweynaah la suray meelo ka tirsan Caasimadda, waxaana dadweyne fara badan ay saf u galeen adeegga caafimaad ee madaxtooyada ay u fidisay dadka.



Ciidamada amniga ayaa la dhigay Waddooyinka waaweyn, waxaana la arkay iyadoo Biyo iyo dhagxaan lagu gooyay qeylo ka mida Waddooyika laga soo galo jidka Maka Al-Mukarrama. Sidoo kale Jidka Wadnaha oo ka mida kuwa ugu waaweyn ayaa iska xiran.
Waxyaabihii ugu weynaa ee xilligii doorashada uu madaxweyne Farmaajo balanqaaday ayaa waxaa ka mid ahaa inaan Wadooyin loo xiri doonin, arrintaasoo ka mid noqday balanqaayada aan fulin ee Madaxweyne Farmaajo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada