Australia oo ku biirtay dalalka eryaya diblumaasiyiinta u dhashay Ruushka

Australia oo ku biirtay dalalka eryaya diblumaasiyiinta u dhashay Ruushka

daajis.com:-  Australia ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyey ee erya diblumaasiyiinta Ruushka, taas oo jawaab u ah wareerarkii loo isticmaalay sunta neerfaha waxyeellaysa ee ka dhacay dalka Britain.

Rai’sul wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull ayaa sheegay in ficilka Moscow uu ahaa weerar ka dhan ah dimuquraadiyadda iyo madaxbanaanida dal kasta.

” Waa weerarkii ugu horreeyey Yurub dhexdeeda ee loo adeegsado hubka kiimimkada tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu ahaa iskuday dil oo lagasoo shaqeeyay, wuxuu ahaa xad gudub iyo weerar lagusoo qaaday madax banaanida dalka Britain iyo shuruucda waana cambaaraynaynaa gabi ahaanba”

Saddex iyo labaatan dal oo taageraya dalka Britain ayaa hadda eryay boqol iyo lix iyo toban diblumaasi oo Ruush ah.

Waa eryiddii diblumaasiyiinta ee ugu balaarnayd abid tan iyo dagaalkii qaboobaa, Ruushka ayaa ballan ku qaaday in uu jawaab ka bixin doono arrintaas.
Ruushku wuxuu sidoo kale beeniyay in uu ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Salisbury weerarkaas oo lagu qaaday basaas hore oo Ruush ahaa Sergei Skripal iyo gabdhiisa kaas oo xaaladooda khatar galiyey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada