Muuqaal: Doorashadii dalka Masar oo lagu kala baxay iyo sida wax u dhaceen

Muuqaal: Doorashadii dalka Masar oo lagu kala baxay iyo sida wax u dhaceen

daajis.com:- Doorashadii Bishan ka socotay gudaha iyo dibadda Masar ayaa waxaa ku guuleystay madaxweynaha hadda talada haya ee C/Fataax Al siisi uuna helay codad gaaraya 92%.

23 Milyan oo ka mid ah 60 milyan oo qof oo isu diiwaangeliyay doorashada ayaa dibadda u soo baxay si ay u codeeyaan,waxaana hadda warbaahinta ay leedahay dowladda oo xiganeysa Guddiga doorashooyinka ay sheegeysaa in Madaxweyne Sisi uu helay 92% codadkii la dhiibtay.

Wargeysyada Al-Ahraam iyo Al-Akhbaar Al Yowm iyo wakaaladda wararka ee MENA ayaa baahiyay guusha C/Fitaax Al siisi,waxaana ay sheegeen in madaxweynaha mar labaad dib loo doortay.

Muusa Mustafa Muusa oo ah Ninka la tartamayay ayaa waxaa lagu xantaa in isaguba uu taageere u yahay Madaxweyne Sisi.

60 Milyan ee isu diiwaangeliyay codbixinta waxaa dibadda u soo baxay kaliya 40%,taas oo ka dhigan in ay ka hooseeyaan dadkii u soo baxay doorashadiisii 1aad ee 2014kii taas oo ay u soo baxeen 47%.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada