Jawaari oo hadlay iyo Amiin Caamir oo Sawir la yaab leh ka sameeyay (Daawo)

Jawaari oo hadlay iyo Amiin Caamir oo Sawir la yaab leh ka sameeyay (Daawo)

daajis.com:- Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo Baarlamaanka Maxamed cismaan Jawaari ayaa si yaab leh u dafiray in ciidamo uu watay ay qabsadeen xarunta Baarlamanka, isagoo arintaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo la been abuuray, wuxuuna xusay in Kaliya uu xarunta la tagay 11 askari oo dhar cad ah.

“Waxaan idin weydiinayaa 11 askari oo dhar cad ah meel lagu qabsan karaa, Jawaari ayaa qabsaday Xarunta golaha shacabka waxay la mid tahay, Madaxweynaha ayaa qabsaday Villa Somalia, maxaa yeelay xarunta golaha shacabka anigaa ka taliya” ayuu yidhi Jawaari .

Mar uu ka hadlayey taliyeyasha ciidamada ee isaga ku eedeeyey inuu qabsaday xarunta baarlamanka ayuu sheegay in taliyeyaasha uu saaran yahay culeys kaga imanaya Xukuumada, ayna mudan yihiin in loo dulqaato, wuxuuna xusay inuu dhowr jeer kala hadlay iney arimaha siyaasada faraha kala baxaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad C/wali Muudey iyo xildhibaano badan ayaa ku eedeeyey gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cawad iney xoog ku qabsadeen xarunta Baarlamanka oo maanta ay tageen xildhibaano iska soo horjeeda oo labo ajende kala watay, halkaasna isaga dareeray markii Jawaari uu la galay ciidamo hubeysan.
Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa sawir ku muujiyey Habdhaqanka Gudoomiye Jawaari uu lasoo baxay, Wuxuuna sheegay inuu Cimrigiisa ceeb ku sagootiyey.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada