Daawo Video: Sacuudiga oo markii ugu horeysay laga furayo Shineemooyin

Daawo Video: Sacuudiga oo markii ugu horeysay laga furayo Shineemooyin

daajis.com:-  Dawladda Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay mudo  dheer dalkeeda  ka furaysa Shineemooyin labada todobaad ee soo socda.

Arintani waxay qayb ka tahay heshiis Sucuudigu la galay AMC oo ah shirkadda ugu wayn dunida ee shineenooyinka oo bixisay ruqsadihii ugu horeeyey ee shineemooyin magaceeda ku shaqeeya lagaga furayo Sucuudiga.

Sida qorshuhu yahay AMC ay shan iyo toban magaalo oo Sucuudiga ku yaal ka fureysa afartan Shineemo shanta sanadood ee soo socda.

Sanadihii Todobaatanaadkii waxaa dalkaas ka jiray shineemooyin laakiin waxa la xiray markii saamaynta wadaadada Muslimiinta ah ee mayalka adag ay ku xoogaysatay dalkaas.

Saraakiisha Sucuudigu waxay leeyihiin in dalka laga furo baayac mushtarka madadaaladu, waa arin muhiim ah oo qayb ka ah qorshaha himilada dib u habaynta dhaqaale iyo bulsho ee loo bixiyey hiigsiga 2030-ka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada