Xog: Maxaa Jawaari lagu haystaa oo uu faraha kula jiray?

Xog: Maxaa Jawaari lagu haystaa oo uu faraha kula jiray?

daajis.com:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa laga gudbiyey mooshin ka ah oo ay saxiixeen illaa 107 Xildhibaan.

Haddaba ilo-waredyo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday arrimo dhowr ah oo ay sheegeen in lagu haysto Jawaari.

Lacag baad ah:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xukuumadda iyo Madaxda ugu sareyso dalka waydiistay in la siiyo lacag aad u badan oo Malaayiin Dollar ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku hanjabay inuu xukuumadda Mooshin ka keeni doono haddii aan lacagtaas la siin.

Madaxda ugu sareyso dalka ayaa Jawaari si cad ugu sheegay inaan la siin doonin lacag baad ah isla markaasna aysan arrintaas aheyn nadaam dowladeed oo ay u muuqato inay tahay xilliyadii hoggaamiye kooxdeedyada.

Mooshin ka dhan ah Kheyre:

Jawaari ayaa bilaabay markii lacagta loo diiday inuu Mooshin ka diyaariyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana arrintaas ka war helay Ra’isulwasaaraha iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Markii laga war helay mooshinka uu Jawaari wado ayaa waxaa isna laga diyaariyey mooshin aad u adag oo ay saxiixeen ilaa 107 Xildhibaan.

Jawaari ayaa markaas kadib dhexda ka galay xaalad wareer ah oo keentay inuu ku tunto qodobo dastuuri ah iyo kuwa kale oo ka tirsan xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari iyo Xukuumaddii hore:

Guddoomiye Jawaari ayey waligii caadi u aheyd inuu baad ka qaato madaxda ugu sareyso dalka, wuxuuna lacago waali ah ka qaadan jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Jawaari ayaa Mar kasta dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ugu hanjabi jiray inuu mooshin ka keeni doono haddii aan la siin lacago Malaayiin Dollar ah oo sharci darro.

Guddoomiye Jawaari ayaa heshiis dastuurka ka dhan ah la galay Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dhammaantood ah xubno uu isaga magacaabay, wuxuuna guddiga joogtada ah ka dhigtay meel uu marsiisto Mooshinada uu rabo halka kuwa kalana uu ku hor istaago.

Xaaladda Jawaari:

Guddoomiye Jawaari oo u bartay baadii uu ka qaadan jiray dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadda ku jiro xaalad halis ah waxayna xildhibaano 100 gaarayo ka codsadeen inuu is casilo maadaama lagu helay falal liddi ku ah Dastuurka Dalka.
Waxay u badan tahay in Jawaari meesha uu ka bixiyo doono haddii aysan xaaladda sida ay tahay iska badalin.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada