Akhriso Xildhibaan Aadan Madoobe oo Guddoomiye JAWAARI usoo jeediyay ku dhaqaaqista 2 talaabo midkood

Akhriso Xildhibaan Aadan Madoobe oo Guddoomiye JAWAARI usoo jeediyay ku dhaqaaqista 2 talaabo midkood

daajis.com:- Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku baaqay in si degdeg ah uu isku casilo Jawaari.

Xildhibaanada oo si wada jira Shir Jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu dhexda uga jiro kiisas danbiyo ah oo aan laga difaaci Karin, sidaa aawgeed laga doonaayo inuu iscasilo.

Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga hadlay, arrinta Jawaari, ayaa sheegay Mooshinka ay soo gudbiyeen inuu yahay mid waafaqsan sifaha sharciga ah ee dalka u yaallo eedeymaha ku qorana ay yihiin kuwa sax ah oo Gudoomiyaha lagu eedeeyay.

Xildhibaanada shirka Jaraa’id qabtay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Aadan Madoobe oo sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia dhexda kaga jiro kiisas danbiyo ah, isla markaana la doonaayo inuu iscasilo ama uu aqbalo codeyn degdeg ah.

Waxa uu Xildhibaan Aadan Madoobe sheegay inaan Jawaari laga aqbaleynin iskadaba wareeg iyo wakhti lumis, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay u furan tahay laba wado midkood inuu sameeyo.

Waa mida koowaad inuu ka sheego meel fagaare ah ku dhawaaqista iscasilaadiisa ku aadan inuusan sii ahaaneyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, maadaama Mooshin sharci ah laga keenay.

Mida labaad ayaa Xildhibaan Aadan Madoobe wuxuu ku sheegay inuu yahay in Gudoomiye Jawaari uu sugo inta codka kalsoonida ah looga qaadaayo, maadaama uu ku dhacaayo Gudoonka tiro codad ah oo gaaraya 184 Xildhibaan.

‘’Jawaari yuusan ka tagin haddal waxaan ka dooneynaa inuu iscasilo ama uu hor imaado baarlamaanka si loogu qaado codka kalsoonida, ma dhaceyso in sidaan leysaga daba jiitamo’’
Geesta kale, Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa Guddoomiye Jawaari ku eedeeyay inuu ku tagrifalay Dastuurka Qaranka isla markaana howshiisa kusoo dhameeyay Mooshin iyo xaalado culus oo uu abuuro.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada