Muuqaal: Ciidamadii Qabsaday Xarunta Baarlamaanka oo Xabsiga lasoo dhigay

Muuqaal: Ciidamadii Qabsaday Xarunta Baarlamaanka oo Xabsiga lasoo dhigay

daajis.com:- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa shaaciyey in ciidamaddii milateriga ahaa eehubka la galay Xarunta Golaha Shacabka intooda badan la soo xidhay.

Gorod ayaa sheegay iney bilowdeen baaritaano lagu sameynayo ciidankaas, kuwaasoo ay wadaan ciidamada amaanka.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay ku raad joogaan Ciidan dhar cad ah oo la socday Ciidanka gudaha u galay xarunta golaha Shacabka.

“Dabagalka ciidankii maanta galay golaha shacabka waa socdaa, askartii dareyska milateriga watay dhamaantood waa la soo qabtay, baaritaan baana ku socda, waxaan hadda raad kooda ku joognaa ciidankii dharcadka ahaa” ayuu yiri taliye Gorod.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada