Ra’isul Wasaare Kheyre oo magaalada Brusseles kula kulmay Federica Mogherini

Ra’isul Wasaare Kheyre oo magaalada Brusseles kula kulmay Federica Mogherini

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Brusseles ee caasimada dalka Biljamka waxa uu kulan gaar ah kula qaatay  Federica Mogherini oo ah kuxigeenka Madaxa Midowga Yurub.

Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre la qaatay Federica Mogherini ayaa looga hadlay arimo badan ay kamid tahay amaanka Soomaaliya iyo sidii dowlada gacan looga siin lahaa dhismaha ciidanka.



Midowga Yurub ayaa taageero balaaran siiya Soomaaliya, waxa ayna inta badan bixiyaan qarashaadka ku baxa Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, waxa ay sidoo kale dowlada gacan ka siisay tababarida ciidanka Qalabka sida.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo hada ku sugan dalka Biljamka ayaa kaga qeyb galaya shir muhiim ah oo looga hadlayo amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ciidanka Soomaaliya kula wareegayaan amaanka dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada