Daawo:- Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo Gaalkacyo gaaray (Maxaa soo kordhay?)

Daawo:- Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo Gaalkacyo gaaray (Maxaa soo kordhay?)

daajis.com:-  Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in si Wadajir ah halkaasi ay maanta u gaareen madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda Galmudug.

Labada masuul ayaa u gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug inay la kulmaan wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeysay la kulmayay madaxda dowlad goboleedyada.

Nicholas Heysom ayaa la kulmay madaxda Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Somaliland, waxaana kaliya u harsan madaxda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda ayaa Diyaarad ku tegay Gaalkacyo,iyaga oo halkaasi u tegay la kulanka Ergeyga QM oo wada xal u raadinta khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo madaxda maamul goboleedyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada