Dhacdo yaab leh: Nin lagu tiriyay dhimasho oo soo garaacay naxashkii lagu waday

Dhacdo yaab leh: Nin lagu tiriyay dhimasho oo soo garaacay naxashkii lagu waday

daajis.com:- Hirpha Negero oo ah aabe Itoobiyaan ah oo dhalay shan carruur ah ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday maalintii Talaadada ahayd,

Rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taasoo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan, Sida uu qabo xeerka dhaqan ee maxalliga ah, oo looga dhaqmo xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

Ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Mr. Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso.

Balse, intii ay socotay munaasabadda aaska, saacaddu markii ay ahayd abaare 3:30 galabnimo, ee wakhtiga Itoobiya ah, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka
“Dadka aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya”, ayuu yiri isagoo sharraxayay sida uu Mr Hirpha caawinaadda ugu baahnaa markii laga furay naxashka, waxaana dehacdadan si weyn u hadal haya shacabka iyo warbaahinta dalka Itoobiya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada