Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo goor dhow iscasilay

Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo goor dhow iscasilay

daajis.com:- Guddoomniyaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow iscasilay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo.

Carfo Ibraahim Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu  sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ay ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkan oo ah mid lama filaan ah ayaa soo baxay xilli la hadal hayo in Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee K/Galbeed Shariif Xasan uu damacsan yahay inuu ka haro tartanka doorashada.

Siyaasiyiin reer Baydhabo ah ayaa sheegaya in guddoomiyaha iscasilay uu xiriir dhow la leeyahay Shariif Xasan, talaabadana ay tahay mid lagu carqalaadeynayo doorashada oo la filayo iney 17ka bishan ka dhacdo Baydhabo.

Talaabadan ayaa ku soo aaday xili maanta qaar ka mid ah Musharaxiinta doorashada Koonfur galbeed ay si rasmi ah isku diiwaan geliyeen, lana siiyey shahaadada musharaxnimada.

La soco wixii soo kordha

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada