Sawirro: Ciidamada DF oo qabtay waxyaabo qarax looga shakiyay (Daawo)

Sawirro: Ciidamada DF oo qabtay waxyaabo qarax looga shakiyay (Daawo)

daajis.com:- Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo looga shakiyay inay yihiin qaraxyo la farsameynayay iyo ruuxii ku howlanaa.

Howlgalka ayay ciidamada amaanka ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana lagu qabtay ruux ku howlanaa sameynta waxyaabaha qarxa iyo qalab mobeylo u badan oo qaraxyada laga hago.

Xaafadda Nageyle ee degmada Kaaraan ayaa baaritaanka laga sameeyay, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay ku raad joogaan dad kale oo looga shakisan yahay inay arintaan ku lug lahaayeen.

Waxaa hadda ruuxaan uu ku xeran yihiin saldhiga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyadoo ay baaritaan uu ku socdo, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen.

Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkaan ka waday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir baaritaanka amaanka lagu xaqiijinayo, inkastoo mararka qaar ay degmada ka dhacaan falalka dilka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada