Daawo :- Xildhibaannadii mooshinka Farmaajo oo war cusub soo saaray

Daawo :- Xildhibaannadii mooshinka Farmaajo oo war cusub soo saaray

daajis.com:-Qaar kamid ah xildhibaanadii Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Faramaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in fursad cusub ay siiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in hadii Mooshinkii ay la laabteyn aysan micnaheedu aheyn in uu Madaxweynaha ka saxanyahay balse iyagu ay garteyn in dalka ay u tanaasulaan, ayna isha ku heyn doonaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Madaxweynaha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah xildhibaanada maanta shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ay ku saxnaayeen sooo gudbinta Mooshinkaasi balse markii dambe ay u tanaasuleen danaha Dalka sida uu sheegay.

“Adiga oo dalka ugu sareeyay hadii aad garan weyday in aad dalka u turto, inagaa u turnay oo Mooshinkii la laabanay balse weli way jiraan sababaha aan usoo gudbinay Mooshinka waxaana ku siinaynaa fursad aad qaladaadka aan tabaneyno ku saxdo” ayuu shegay Xildhibaan Odawaa.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada