Dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo la iclaamiyay iyo xiliga uu bilaabanayo oo …

Dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo la iclaamiyay iyo xiliga uu bilaabanayo oo …

daajis.com:-  Golaha ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika ayaa isku raacay in si deg deg ah loo bilaabo dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo wali awood ku leh qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo loogu magac daray aragtida hawlgalka ayaa waxaa ansixiyay Golaha ammaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika, waxaana howlgalkan la shaaciyay in uu bilaabanayo bisha koobaad ee sanadka cusub ee 2019-ka.

Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee la iclaamiyay ayaa ka bilaabanaya deegaanada maamulka Jubbaland gaar ahaan Jubooyinka, waxaa sidoo kale howlgalkan laga fulinayaa gobolo kale ay kamid yihiin Gedo, Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Richard Omwega ayaa sheegay in hawlgalkan uu billaabanayo bisha 1aad ee sanadka cusub islamarkaana kaliya uu sugayo ansixinta Midowga Afrika iyo waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Howlgalkan cusub ee bilaabanaya ayaa qeyb ka ah qorshaha amniga dalka loogu wareejinayo dowladda Federaalka ah, waxaana howlgalkan si wadajir ah u fulinaya Ciidamada AMISOM , kuwa dowlada iyo ciidamada kale ee maamul goboleedyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada