Daawo Sawirada:- Musiibo Dad badan oo ku dhinteen oo ka dhacday dalka Indonesia

Daawo Sawirada:- Musiibo Dad badan oo ku dhinteen oo ka dhacday dalka Indonesia

daajis.com:- Dhul gariir badda hoosteeda ku dhuftay ayaa dhibaato aad u xoogan ka geesatay Jaziirado iyo magaalooyin  kuyaala dalka Indonesia , waxaana hada socda baadi goob loogu jiro dad badan oo wax ku noqday dhul gariirka.

Inta la xaqiijiyay dad gaaraya 200-qof ayaa ku dhintay Tsunamiga ku dhuftay dalka Indonesia, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, waxaa sidoo kale jira dad aan la heyn nolol iyo geeri.

Guryo, Hoteelo iyo dhismayaal kale oo badan ayaa ku dumay dhulgariirka iyo duufaanta Tsunamniga ee ku dhuftay xeebo kuyaala dalka Indonesia, waxaana dadka ugu badan ee dhintay ay joogeen dhul xeebeed.
Dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay sababtay fulkaano badda hoosteeda ka qaraxday , waxaana fulkaanadaasi ka dhashay dhul gariir iyo duufaano xoogan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada