Maraykanka oo shaaciyey inuu labo dhinac ka xoojinayo dowlada Somalia

Maraykanka oo shaaciyey inuu labo dhinac ka xoojinayo dowlada Somalia

daajis.com:- Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika danjire Tibor Nagy ayaa cadeeyay taageerada buuxda ee dowladda Maraykanku la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Danjire Tibor Nagy oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Midnimada iyo  wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya.

“Wadajirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda federalka ee  Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya.” ayuu yiri Tibor Nagy.

Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha Arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda Maraykanku  ku dhawaaqay inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar.
Maraykanka ayaa sidoo kale waxaa Somalia ka jooga askar ka badan 500 oo ka qeyb qaata weerarada dhinaca cirka ah ee lagu qaado Al-shabaab iyo tababarida ciidamada dowlada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada