Sawirro: Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka oo gaaray degmada Buulo Burde

Sawirro: Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka oo gaaray degmada Buulo Burde

daajis.com:- Saraakiil uu hoggaaminayo Abaanduullaha  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan degmadaas, iyagoo kala hadli doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wafdiga Abaanduullaha ayaa ka soo kicitimay Magaalada Baladweyne oo kulamo ay kula soo qaateen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo Madaxda Hirshabelle.

Booqashada abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha la socota ayaa salka ku haysa diiwaangelinta ciidamada xoogga dalka iyagoo hore u soo booqday magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka mid ah maamul goboleedka Hirshabelle.

Degmada Buulo-Burde waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada ay dhowr mar sheegeen inay go’doonka ka qaadi doonaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada