Urur goboleedka IGAD oo ku dhawaaqaya go’aan saameyn culus u keenaya Kenya

Urur goboleedka IGAD oo ku dhawaaqaya go’aan saameyn culus u keenaya Kenya

daajis.com:-Hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo lagu wado in ay kulan ku yeeshaan magaaladda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, todobaadka dambe, ayaa waxay ku dhawaaqayaa go’aan culus.

Shirkaasi oo diiradda lagu saari doono arrimaha qaxootiga ayaa waxaa lagu waramayaa in uu kasoo bixi doono go’aan ku aadan in Kenya aysan dalkeeda ka saari karin qaxootiga Soomaaliyeed.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa qeexaya in xukuumadda Nairobi ay durba bilowday dedaalo ay uga hortageyso arrintaasi, maadaama ay u aragto qadiyad ay cadaadiska ugu kordhin karto dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa waxay martigelineysaa qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo dalkooda uga cararay xaalado la xiriira arrimaha xasilooni darro iyo gulufka ay wadaan dagaalameyaasha AlShabaab.

Go’aankan ayaa hadii uu si rasmi ah u soo baxo ayaa waxa uu noqon doonaa mid farxad weyn u ah Soomaalida qaxootiga ku ah waddankaasi, kuwaasi oo qorshoodu yahay in ay uga sii gudbaan wadamo kale.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada