Dareenka Kacsiga Miyuu Dhamaaday Haday Xaaska Dhalmo Deeyso, (Warbixin Ku Anfaceyso)

Dareenka Kacsiga Miyuu Dhamaaday Haday Xaaska Dhalmo Deeyso, (Warbixin Ku Anfaceyso)


Muxuu yahay farqiga u dhexeeya libido and menopause?

Waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa sharaxaad ku saabsan sababaha keena in dhiiga xaydku dhamaado, qoraalkaygan waa (evidence based medicine) waa caddaymo ku dhisan aqoonta sayniska gaar ahaan midda caafimaadka, akhris wanaagsan.

Goormee ayey sida caadiga ah dhacdaa waxa loo yaqaan menopause(dhalma days) maxaase lagu garan karaa caalamado ahaan iyo weliba baaritaankaba?.

Celcelis ahaan dumarka waxay dhiiga caadadu ka dhamaadaa 51 jir,balse wayna ka soo hormari kartaa wayna ka dib dhici kartaa de’da aan kor ku xusay.

Maxaa sababa dhalma daysnimda?

Sida caadiga ah ilmaha markaas dhashay ee dumarka ah waxaa ovarygeeda/ugxan sidaheeda ku jira ugu yaraan 1.5million ugxan ah,taas oo sii yaraata marba marka ka dambaysa ,marka la gaaro qaan gaarka waxaa ku harsan ugxan sidaha illaa iyo 450 000 eggs/ugxamood.sidaas owgeed Waxaa sababa ugxanta ku jirta ilma galeenka oo dhamaata(there are no functional follicles in the ovary).

Dumarka sigaarka cabaa way ku soo degdegtaa inay ay ka dhamaato caadadu marka loo eego kuwa aan cabin.

Dumar badan ayaa xilligii hooyadood ay kaga dhamaatay iyana ay la kulmaan inay dhiiga waayaan waxayna ku tusinaysaa inay la xiriirto genetically.

Isticmaalka contraceptive pills saamayn kuma yeesho.

Calaamadaha waxaa ka mid ah ‘’anovulation’’ oo ah dhiigii xaydka oo joogsadah 100% dumarku tan waa ka siman yihiin,’’hot flashes’’ oo dareen kul ah,laakin badanaa dumarka cayilan ma lahan hot flashes,waayo meelo kale oo jirkeeda ka mid ah ayaa soo daynaya hormones kuwaas oo ka difaacaya calaamadahaas.

Kuwaas ayaa ugu muhiimsan inkastoo ay jiraan calaamado kale.

Si loo ogaado in dhiiga istaagay ay sabab u tahay cudur ama dhalma daysnimo waxaa la baaraa hormoneka loo yaqaan FSH kaas oo aad u sareeya marka uu yahay the real menopause.

FSH waa hormoneka stimulate gareeya/cariya ugxanta ku jirta ovaryga si ay u korto isla markaana ay ugu socota dhanka ilma sidaha si halkaas loogu bacrimiyo.

Maxay tahay premature menopause? Maxaana sababa?

Haddii gabadha ay ka dhamaato follicles/ugxantii inta u dhexaysa 30 illaa 40 jir ayaa loogu yeeraa premature taas oo micneheedu yahay in ay ka soo hormartay xilligii caadiga ahaa taas oo sababta in dhiigiina la waayo.

Badanaa waxyaalaha sababa lama yaqaan laakin waxaa keeni kara Sida radiationka oo ah kan lagu daaweeyo xanuunada sida cancerka, haddii gabadha meel jirkeeda ah khaasatan caloosha radiation lagu sameeyey waxay keeni kartaa in halkaas ay ku dhamaadaan follicleskii kuna burburaan,sidaasna caadadi ku go doh.

Waxaa kaloo keeni kara in la jaro xubinta ilma sidaha (uterus).

Follicles waxaa laga wadaa ugxanta ku jirta ugxan sidaha gabadha.

Muxuu yahay ovarian failure?

Ovarian failure waxaa laga wadaa haddii caadadi dhamato gabadhii oo ka yar 30 sano,inta badanna waxaa keena cuduro sida autoimmune disease iyo cuduro genetical la xiriira.

Inta aan la gaarin dhalma days nimada waxaa jira xilli u dhexeeya 3 illaa 5sano oo caadada bilana la waayo bilana ay timaado xilligaas ayaa waxa loogu yeeraa premenopausal priod,xilligaan wuxuu kaga duwan yahay dhalma dayska saxda ah,caalamadihii kale ee aan kor ku soo xusnay ma lahan gabadhu inta badan.

Waxaan ka soo hadalnay qaybihii kala duwanaa ee dhalma dayska,waxaase xusid mudan marka horeba haddii xilligii gabadhu dhaqmaada tahay hadday ay waydo dhiiga xaydka waxyaalaha ugu badan ee keena ama sababa waxa weeyaan in ay uur qaaday,mar walbana inta aan waxkale lagu fekerin ama daawooyin waa in la hubiyaa in gabadhu uur leedahay.

Anovulation/progesterone deficeince,waxaana sababa hormones yaraaday kuwaas oo inta badan la daawayn karo,gabadhuna hadday ilmo rabto ay uur yeelan karto waa haddii allah u qoraye.

Estrogen diffecience/waxaa sidoo kale yaraaday mid ka mid ah hormones ka/dhacaamada ugu mihiimsan dhalmada kaas oo isagana inta badan dhakhaatiirtu sixi karaan haddii la ogaado waxa sababay.

Out flow tract obstraction,markii dhamaan la waayo saddexda qodob ee sare waxa keli ah ee in caadadii la waayo keeni kara waa in gudaha uteruska/ilma sidaha ay ka jirto in aan ugxantii imaan Karin, waxna ay kala xirayaan,waana wax inta badan daawo leh.

Qodobadaan kor ku xusan waxaa weeyaan gabadhu in ay marka horaba dhiiga heli jirtay laakin ay wayday muddo gudeheed.

Balse in gabar hadda qaan gaartey dhiigi waydo iyada waa mowduuc kale ,haddii allaha awoodaleh noo ogolaado mar kale ayaan ka hadli doonaa insha allah.

Qeybta Labaad Waxaad Ka Heleysaa Oo Taabo Qeybta Ay Ku Qoran Tahay Dhibaatooyin Galmo

Xigasho: Khadija Home WQ: Abdi Fatah Yusuf
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada