Raaskanbooni oo Dusha laga saaray Dilkii Imaaciil maxamed Nuur iyo Ururka Raaskanbooni oo ka hadashay

Raaskanbooni oo Dusha laga saaray Dilkii Imaaciil maxamed Nuur iyo Ururka Raaskanbooni oo ka hadashay


Dhawaan Waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose lagu toogtay mid kamid ah Nabadoonada caanka ah Magaaladaasi sidoo kale kamid ahaa Ganacsatada Waa weyn ee Magaalada Kismaayo .

Waxaa dilka Nabdoonkaasi dhaliyay Buuq xoogan iyadoona Odayaal iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Beesha uu kasoo jeedp Nabadoonka la dilay oo shirk ku yeeshay Nairobi ku eedeeyeen in Dilka Nabadoon Imaaciil Maxamed Nuur (Ismaaciil Ganey) ay ka dambeeyeen Kooxda Raaskanbooni oo kamid ah Xooagaga hubeesan ee Kismaayo maamula.

Odayaasha ayaa sheegay in ay hayaan Cadeemo ku aadan in Raaskanbooniyiinta ay dileen Nabadoonka sidoo kale Nabdoonka uu dar daarnay kahor inta uusan dhimin iyagoona sheegay in shaki uusan kaga jirin in Nabadoonka ay dileen Ciidamada Raaskanbooni.

Dhinaca kale AFhayeenka Ururka Raaskanbooni C/Naasir Seeraar oo isna Warbaabinta la hadlay ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Warkaasi ku aadan in ay Nabadoonka Dileen Ciidankooda isagoona taa badalkeeda sheegay in Dilka Nabadoonka ka dambeeyeen kooxihii Dilalka geesan jiray.

Afhayeenka ayaana ugu baaqay dadka ku eedeeyay in ay Dilka Nabadoonka dhankooda ka dambeeyeen in ay la yimaadaan Cadeemo cad hadii ay hayaan hadii kale ay joojiyaan Wararka been abuurka ah sida uu sheegay.

Arimahan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili Maalmo kahor dhaawac halis ah Magaalada Kismaayo loogu geestay Nabadoon caan ka ahaa mgaaaladaasi iyadoona dhaawaca halis ah oo soo gaaray Muqdidho la keenay balse markii dambe u geeriyooday Dhaawaca soo gaaray.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada