War Deg Deg Ah Xaalada Boorama oo Alow Sahal ah Uuro Magaalada ka baxeysa iyo Rasaas la maqlayo(Daawo Sawirada)

War Deg Deg Ah Xaalada Boorama oo Alow Sahal ah Uuro Magaalada ka baxeysa iyo Rasaas la maqlayo(Daawo Sawirada)


Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boorame ee Caasimada Gobolka Owdal ayaa sheegaya in xaalada Magaaladaasi ay hada tahay mid kacsan ayan kasoconayaan Dibad baxyo rabshada wata ay dhigayaan dadka degaanka oo dhalinyaro u badan.

Dibad baxan oo galay Maalintii labaad ayaa xoogiisa waxa uu Maanta kasoconayaa Suuqa Weyn ee Magaalada Boorama halkaasi ay isugu soo baxeen dad badan oo careesan oo gamcaha dhagxaan ka tuuraya sidoo kale taayaro gubaya.

Dadka dibad baxa dhigaya ayaa aad uga careesan Fara galin ay sheegeen in Xukuumada Soomaaliland ku heeso Doorashooyinkii deegaanka ee ka dhacay Magaalada Saylac iyo Maayarka Magaladaasi loo doortay ay dowladu diiday in la dhaariyo.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga Somalailand ayaa rasaas xoogan ridaya iyadoona magaalada meelo badan oo kamid ahan ay qiiq iyo Uuro kabaxeyso maadaama dadku gubayaan taayarada gawaraida. 

Shalay ayeey aheed markii dibad baxan mid la mid ah oo ka dhasheen Qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Magaalada Boorame ee Caasimada Gobolka Owdal.










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada