Xoghayaha arimaha gudaha wadanka Britain OO Maxkamada lasoo taagayo Kiiska Wiil Soomaali ah(Daawo Sawirada)

Xoghayaha arimaha gudaha wadanka Britain OO Maxkamada lasoo taagayo Kiiska Wiil Soomaali ah(Daawo Sawirada)


Xoghayaha arimaha gudaha wadanka Britain haweenayda lagu magacaabo Theresa May ayaa laga yaabaa in maxkamad loo soo taago kiis la xiriira wiil asalkiisu yahay Soomaali oo haystey dhalashada British-ka oo ay amartey in laga xayuubiyo dhalashadaasi si ay ugu suurtagasho hay’adaha sirdoonka Mareykanka in wiilkaasi dacwado la xiriira argagixisnimo ugu soo oogaan.

Wiilkan oo lagu magacaabo Mahdi Hashi oo 23 sano jir ah ayaa la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay xagaagii la soo dhaafay, isagoo xiligaasi ku sugnaa wadanka Soomaaliya, sida ay sheegeen qoyskiisa iyagoo in mudo ah waysanaa xogtiisa, hase yeeshee markii dambe ay ogaadeen in gudaha Soomaaliya inta laga qabteyloo dhiibay sirdoonka Mareykanka, kuwaasi oo u sii dhoofiyey wadanka Mareykanka halkaasi oo maxkamad lagu soo taagayo haatan.

Qareenka u doodaya Mahdi Xaashi ayaa sheegay in ay la tiigsan doonaan dacwad xoghayaha arimaha gudaha Britain Theresa May oo iyadu laheyd go’aanka Mahdi loogala noqdey dhalashada British-ka, waxaana qoyskiisa ay ku doodayaan in airntan aheyd mid lagu doonayey in uu ku noqdo xuquuq la’aan iyo in uu waayo cid u dooda ama difaacda.

Qoyska Mahdi waxay kaloo tibaaxeen in dawlada Britain ku wargalisay in aanay waxba u qaban karin wiilkooda, maadama aanu haysan dhalashada British-ka.



Mahdi wuxuu dalka Britain yimid isagoo lix sano jir ah wuxuu ku koray degmada Camden ee waqooyiga magaalada London halkaasi oo uu waxbarashada heerka hoose, dhexe iyo sare uu ku dhameeyey, laakiin qoyskiisu waxay sheegeen in aanay aheyn markii ugu horeysay ee Mahdi uu ku lug ku yeesho arimo la xiriira sirdoonka wadamada reer Galbeedka.

Sanadkii 2008-dii Mahdi wuxuu ka mid ahaa sadex dhalinaro asalkoodu yahay Soomaali oo sheegtey in sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaan MI5 ay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan oo ay u soo gudbiyaan macluumaadka muslimiinta ku nool degmada Camden, gaar ahaan Soomaalida iyagoo ugu cagajugleeyey in ay xiriir la leeyihiin Al-qaacida ayna ku badbaadi karaan inay la shaqeeyaan sirdoonka, balse Mahdi iyo sadexdii wiil ee kale waxay sheegeen inay diideen dalabkii laanta sirdoonka MI5.

Mahdi iyo dhalinyarada kale waxay si mutawacnimo ah uga shaqeynayeen xarun qaabilsan taageerada bulshada oo ku tiil deegaanka Camden ee waqooyiga magaalada London.

Kaltuum Maxamed oo ah Mahdi hooyadiis ayaa u sheegtey wargeyska New Journal ee ka soo baxa xaafada Camden in wiilkeeda uu ambabaxay Soomaaliya sanadkii 2009-kii si uu u daryeelo Ayeydsii oo xanuunsaaneyd, sanadkii 2010 ayuu ku guursadey Soomaaliya isagoo xaaskiisu dhashay wiil.



Saghir Hussain oo ah qareenka Mahdi wuxuu ku tilmaamay arinta Mahdi sheeko la yaab leh, isagoo yiri “Waa wiil reer London, ku noolaa London nolashiisa intii badneyd, wuxuu u aadey Soomaaliya si uu ula soo kulmo qoyskiisa, ka dibna waa la qaatey”.

“Dhalashadiisa British-ka waxaa laga qaaday ku dhawaad waqtigii lagu afduubay Soomaaliya, waana tan aan su’aalaha ka waydiin doono dawlada (dawlada Britain), gaar ahaan xogta ay ka hayaan, ma waxay aheyd qorshe ay kula shaqeynayeen Mareykanka in laga xayuubiyo dhalashadiisa si ay u wataan ayna xabsi ugu hayaan” ayuu sii raaciyey hadalkiisa qareen Xuseen.

Mahdi Aabihiis Maxamed wuxuu isaguna dhankiisa ka sheegay in wiilkiisu uu yahay mid aan wax dambi ah laheyn.

“Wuxuu ahaa muwaadin British ah mudo 15 sano ah, waana lagala noqdey si deg deg ah, Mahdi waligiis wax dambi ah iyo in uu ku xadgubay ama jabiyey sharciga UK amase in uu qof waxyeelay, waxaynu hada ogaanay in lagu hayo New York, ma nihin adoon kuwaasi oo midba midka kale u dhiibo” ayuu yiri Mahdi Aabihiis.

Warka qabashada Mahdi Xaashi oo lagu qabtey gudaha Soomaaliya waxaa lagu ogaadeyw warbixin ay faafiyeen saraakiil ka tirsan laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI-da kuwaasi oo sheegay in Mahdi Xaashi la qabtey isagoo ku sii jeeda wadanka Yemen isaga iyo laba kale oo dhalinyaro ah oo haysta dhalashada Sweden, iyadoo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihin kooxaha loogu yeero argagixisada, waxaana la sheegay inay qabteen mid ka mdi ah maamulada ka jira dalka 18-kii bishii October 2012, kuwaasi oo sheegay in uu qayb ka ahaa Mahdi kooxo diyaarin jirey qaraxyada iyo tababarka habka isqarxinta,iyagoo 14-kii November ee sanadkan loo dhiibay sirdoonka Mareykanka ee saldhigoodu yahay wadanka Jibuuti.

Qoyska Mahdi Xaasho oo mudo waysanaa warka wiilkooda ayaa markii dambe ka warhelay in wiilkoodu mudo ku xirnaa xabsi ku yaal wadanka Jibuuti balse loo gudbiyey dalka Mareykanka, iyadoo qof la xirnaa uu u xaqiijiyey qoyskiisa.

Mahdi Aabihiis ayaa sheegay in wiilkooda markii la waysanaa ay heleen xog ah in laga xayuubiyey dhalashadii British-ka, isagoo taasi ku macneeyey inay aheyd in Mareykanka maxkamad lagu soo taago, maadama hadii uu haysan lahaa dhalashada British-ka ay noqon laheyd in wadanka Britain maxkamad lagu saaro.

George Venizelos oo ah kaaliyaha agaasimaha FBI-da ayaa sheegay in raggan la qabtey ee uu ka midka yahay Mahdi Xaashi ay qayb ka yihiin argagixisada iyagoo qaatey tababaro la xiriria falalka argagixisada ayna ku qaateen xarumaha kooxahaasi, “waxayna qabashadoodu muhiim u tahay hawlgalada la xiriira la dagaalanka argagixisada” ayuu sii raaicyey hadalkiisa Venizelos.

Xafiiska arimaha gudaha UK oo la waydiiyey arimaha xariga wiilkan waxay sheegeen inaanay bixin karin wax tafaasiil dheeraad ah iyagoo ku tilmaamay arintan inay tahay amaanka Qaranka.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada