Abaalmarinta Hollywood Ka Ee Filimada Oo La Bixiyay, tolow yaa ku guuleystay - Daawo video-ga

Abaalmarinta Hollywood Ka Ee Filimada Oo La Bixiyay, tolow yaa ku guuleystay - Daawo video-ga

Golden Globe Winner oo ah abaamarinta Hollywood ka ee dhinaca Filimada iyo barnaamijkyada taxanaha ah ee ka baxa Telefishanada oo sanadkiiba mar lagu abaal mariyo jilaayaasha, isku dabaridayaasha iyo soo saarayaasha ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Los Angeles ee Dalka Maraykanka halkaas oo xafladii ka dhacaday ay isugu tageen dad magac ku leh aduunka oo u badnaa dhinaca filimada iyo heesaha iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiin horena halkaas lagu marti qaaday sida madaxweynihii hore ee maraykanka Bill Clinton oo lagu sharfay in uu abaalmarin ku wareejiya dadka ku guulaystay.

Seddex filim oo kala ah ”Lincoln,” “Argo”  iyo  ”Django Unchained.” ayaa shiiqiyay goobta abaal marinta kadib markii inta badan abaalmarinadii dhinaca filimada lagu qaatay filimadaasi oo ay kala heleen dadkii sameeyay iyo kuwii wax ka jiray, iyadoo kadibna ay soo raaceen laba filin oo kala ah ”Zero Dark Thirty,” iyo  ”Les Miserables” oo iyada lagu helay abaalmarino.


Abaalmarinada dhinaca taxanayaasha Telefishanada waxaa iyaga aad u shiiqiyay goobta Taxanayaasha kala ah ”Girls,” “Homeland,” and “Game Change”. oo lagu helay abaalmarinadii ugu qiimaha badnaa ee sanadkaan 2013 da la bixiyay

Abaalmarintaan oo aheyd tii 70 maad ee lagu bixiyo filimada ayaa waxaa Actor ka ugu wanaagsan dhinaca Dramaha lagu qaatay filimka “Lincoln oo uu ku helay Actorka jilay ee  Daniel Day-Lewis halka Atariishada ugu wanaagsan ee isla Dramaha lagu helay Filimka “Zero Dark Thirty.” oo ay ku heshay Jessica Chastain halka Diractor ka  ugu wanaagsan lagu helay Filimka  ”Argo” oo uu qaatay ninka Sameeyay ee Ben Affleck.

Waxaa sidoo kale munaasabadaasi lagu bixiyay Abaalmarino badan oo ay ka mid tahay dhinaca Taxanayaasha  Telefishanada ka baxa, mana ahan wax aan halkaan ku soo koobi karno waxaana ka aqrisan kartaa liiska hoose ee lagu soo daabacay jilayaasha ku guulaystay iyo filimada ay ku helaan, sidoo kalena si kooban ayaad ugu daawan kartaan Filimka aan idinku soo lifaaqday warkaan.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada