Gabar aroosad ah oo ku dhimatay Sujuuda (Akhriso Kuna Cimri Qaado)

Gabar aroosad ah oo ku dhimatay Sujuuda (Akhriso Kuna Cimri Qaado)

Salaada Maqrib Kadib markee dukatay, bee waxe bilawday in ee is diyaariso, Is qurxiso, Make-upkii marasto, iyo dharkeedi qurxanay xerato.. 

Ayadoo sidaas ku mashquulsan baa aadankii Cisha Dhacay, waxeena xasuusatay in ee weesoqaadkedi ka jawabay. 
Markas bee Hooyadeed ku dhahday:HOOYO Waa in aan soo weeso qaato, si aan ku dukto salaada cisha!!

Miyaad waalatay? martida wee na sugayaan, arooska adiga kaliya baa ka maqan, sidee u dhaqee wajigaaga kadibna waxii aad marsatay kaa tirmayaan?
Markaas bee ku dartay Hooyadeed,,: Wallaahi! hadii aad soo weesoqadato, waan kaa xanaaqa!!

Wallaahi! guriga kama baxaayo anigoon salaada dukan, hooyo! waa in aad ogataa, Salaada in ee tahay sheey muhim, wax walbane iyadaka horeyso!!!

dadka maxee ina dhihi donaan? adigoo make-up kuu marsaneen, hadee ku arkaan? wee kuugu qosli, quruxna ma ahaan doontid!!


MA waxaad ka qabeysa quruxdeeda kaliya? iyo dadka waxa ee na dhihi donaan?, ma iloowday ilaah waxa oo i dhihi doono?
Aniga waxa aan ka baqaayo waa, hadii aan salaada dukan in aan ilaah agtiisa ka qurxaneen!!

Markaas bee gabadhii bilawday in ee weesoqaadato, waxii u marsanaayna wee ka tirmeen.. lakin iida waxaas ma aysan fiirin.

Waxee bilawday in ee salaada bilawdo! Kadib marka ee sujuuday, ma aysan u maleeyneynin in uu ahaan doono sujuuda ugu danbeyso ee sameyn doonto.

Maxaa ka qurxan qof ilaah caabudaayo oo nafta ka baxdo? 
Dad badan oo qisadaan maqleen, aad bee u calool xumaadeen Lakin gabarta, Waxa kaliya muhiim uahay waxo ahay in Rabigeeda raali galiso, oo waxkasto asiga ka hor marsiiso.

Asigane Dhimashadeeda mid aad u qurux badan ayoo uga dhigay!

waxee rabtay in ee u dhawaato rabigeeda, marka asigane nafta wxuu ka qaday ayadoo u dhaw,, ee u sujuudsan!! 
Subxanallah!!

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada