Islii oo looga dhawaaqay Dalad cusub maxet tahay Daladu??

Islii oo looga dhawaaqay Dalad cusub maxet tahay Daladu??


Xaafada ay Soomaalidu ka dagto magaalada Nairobi ayaa looga dhawaaqay Dalad cusub, taasoo mideyneysa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xaafadaasi.

Daladan oo ay aas aaseen Ganacsayada Xaafada iyo waxagardka ayaa la sheegay inay mideyn doonto Soomaalida ku nool Islii, sidoo kalana ka hortagi doonto dhibaatada kaga timaada ciidamada Amaanka Kenya oo markasta Tacadi ka geysta xaafadaasi.

Gudoomiyaha cusub ee Daladan Mudane Xuseen Maxamed Aar ayaa warbaahinta u sheegayin ku dhawaqida daladan ay ka dambeysay kadib marki ay ku booriyeen masuuliyiin ka tirsan Dowlada Hoose ee Magaalada Nairobi, waxaana uu sheegay iyagoo taasi ka duulaya inay hada ku dhawaaqeen Daladan mideyneysa shacabka Soomaaliyeed ee dagan xaafada.

Xuseen Aar aya sheegay in Daladan ay aqoonsan tahay Dowlada Hoose ee Kenya, wuxuuna sheegay in Bishan aan ku jirno dhamaadkeeda uu kulan xasaasi ah dhexmari doono Dalada iyo Dowlada Kenya.

Daladan ayaa waxaa laga sugayaa shaqo adag iyo inay wax ka qabato dhibaatada lagula kaco Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xaafada Islii, iyadoo dhibaatada ugu badan ay kaga timaado Ciidamada Amaanka oo Magaalada lagu soo daayo xiliyada ay dhacaanq araxyada, kuwaasoo bartilmaameedsada Soomaalida oo kaliya



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada