Afar nin oo isku meel lagu toogtay iyada oo ay daawanayaan dad aad u fara badan.

Afar nin oo isku meel lagu toogtay iyada oo ay daawanayaan dad aad u fara badan.

Afar nin oo la sheegay inay horey dil u geysteen ayaa maanta lagu khaarijiyay deegaanka Gawaan ee gobalka Mudug sida ay xaqiijinayaan goob joogayaashu.

Deegaanka toogashadaasi ay ka dhacday ayaa waxa uu ku dhowaad 230 u jiraa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Raga latoogtay ayaa laxaqiijiyay in Isniintii tagtay ay dileen ruux ku sugnaa deegaanka maanta lagu khaarijiyay ee Gawaan, kadibna ay iyagana gacanta kudhigeen rag ku heyb ahaa ninka ay dilka kula dhaqaaqeen.


Wararka waxay intaa ku darayaan in dilka afartaan nin uusan aheyn mid ay maxkamadi xukuntay hasa yeeshee aar goosi ahaan ay u dileen rag ku heyb ah ninkii ay khaarijiyeen oo ay xabsi ugu jireen maalmihii tegay.

Si kastaba dilka loo geystay afarta nin ayaa imaanaya iyadoo ay socdeen hadallo ladoonayay in lagu damiyo xaaladda.

Dilka afartaan nin ayaa laga cabsi qabaa in uu dhaliyo colaad hor leh oo dhex marta qabaa’ilada halkaasi dega.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada